Daraasadii Simistarka Labaad Ee Jaamacadda Muqdisho Oo Bilaabatay
Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 30/01/2010 u bilowday ardayda Jaamacadda Muqdisho daraasadii simistarka labaad ee sannad waxbarashadeedka 2009/2010.
Dhamaan ardayda kala gedisan ee ka diiwaangashan kulliyadaha Jaamacadda ayaa soo xaadiray fasaladii waxbarashada, iyadoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ay ku faraxsan yihiin bilaabashada simistarka 2aad ee sannadka iyo ku soo laabashada fasaladii kadib fasaxii ay soo qaateen ee dhamaadka simistarka 1aad.